Komishanka Doorashooyinka Oo Kala Diray Gaadiidka Iyo Hawl-wadeennada Wacyigelinta Kaadh-qaadashada 3-da Gobol, Iyo Fariinta Xisbiyada.

Komiishanka Doorashooyinka oo Guddoomay Liiska Musharrixiinta Wakiillada Gobolka Maroodi-jeex ee Saddexda Xisbi

Hargeysa(Hayaannews):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama ka kala diray Gaadiidka iyo Hawl-wadeennada wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta oo qaybintiisu gobolladaas ka bilaabmi doonto 31-ka bishan March 2021.

Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Qaran, heer Degmo iyo Masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa bulshada farriimo uga diray Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco ee Hawlwadeennadaas laga kala diray Salaasadii Maanta.
Warkan oo dhammaystiran, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wanaagsan:-

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Dhinaca Kale Komiishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa masuuliyiinta Saddexda Xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ka guddoomay liiska Musharrixiinta doorashada Golaha Wakiillada ugu tartami doona Gobolka Maroodi-jeex.

Masuuliyiinta gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiyada UCID, Waddani iyo Kulmiye ee Gobolka Maroodi-jeex ee Liisaska Musharrixiintooda Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Guddoomiyaha Heer gobol ee Guddiga doorashooyinka, ayaa markii ay liisaska la kala wareegeen hadallo kooban jeediyey.

Warkaas oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland