Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Hirgeliyey Hantidhowr Madax-banaan Oo Nidaamka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Ah

Hargeysa(Hayaannews): Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa hirgaliyey maanta Hanti-dhowrka nidaamka diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha (Biometric Voter Registration Audit System) oo madax banaan.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland waxay sidaa ku sheegeen war ka soo baxay oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo hay’adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD) waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan, khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee hantidhowrka ayey maanta KDQ u sameeyeen kulan sogootin ah.

Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ayaa waxa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland, waxayna horseed u tahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran”

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland