Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Shaaciyey Tirada Guud Ee Codbixiyayaasha Doorashada Madaxtooyada iyo Doorashada Tooska Ah Ee Xisbiyada Qaranka.

Hargeysa(Hayaannews): Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta dhawaaqay tirada guud ee codbixiyayaasha Doorashada Madaxtooyada iyo Doorashada tooska ah ee Xisbiyada qaranka Somaliland 13 November 2024-ka inay dhan tahay  1,227,048 oo qof.

Sida ku cad liiskaas waxa codeyntu ka dhici doonta 1235 goobood oo ku yaala lixda Gobol ee Somaliland. Kuwaasoo uu ku jiraan Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle oo hadda ka maqan gacanta Somaliland.

Hoos ka akhri shaxda liiska tirada codbixiyayaasha, Gobolada iyo degmooyinka iyo goobaha codbixinta Doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland.

Liiska Codbixiyayaasha Doorashada Madaxtooyada iyo Doorashada tooska ah ee Xisbiyada qaranka: