Laba Qof Oo Ku Dhintay Shaqaaqo Ka Dhacday Magaalada Laascaanood Iyo Gadoodka Shacabka

Laba qof ayaa ku dhimatay shaqaaqo maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kadib dil xalay ka dhacay magaalada.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha dhimashada labada qof ee shacabka ah, Waxaanay tibaxayaan wararka soo gaadhaya Shabakada Wararka ee Hayaannews in labada qof ee dhintay ay haleeshay rasaas ay ciidanku fureen.

Shaqaaqadan ayaa ka dambaysay dablay aan la garanayn oo xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah dhallinyarada siyaasiyiinta ah ee ugu firfircoon siyaasadda, waxaanay  sababtayu inay  dad ka cadhaysan dilkaas oo cabasho ka sameeyey magaalada Laascaanood maanta.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com