Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa caawa ka hadlay geerida labadii qof ee Ciidamadu ku dhintay maanta Laascaanood oo uu ku tilmaamay inay ka danbeysay, kadib markii ay shacabku ka gadoodeen dilkii dableyda aan la aqoonsanin xalay ku dileen Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi-Hadraawi oo ka mid ahaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee haldoorka iyo labeenta u ahaa bulshada reer somaliland gaar ahaan gobolka Sool.
Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu caawa soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu dhignaa sidan: