“Laba Qori Magaalada Kama Wada-shaqayn Karaan”

Laascaanood (Hayaannews)- Taliska booliska ee qaybta gobolka Sool  ayaa shalay soo bandhigay hub isugu jiray Qoryo, Baastoolado, mindiyo iyo Khamri ay ka soo qabteen gudaha magaaladda Laascaanood. Kulan ay magaaladda Laascaanood ku yeesheen taliska booliska Sool iyo laamaha amniga ee gobolkaasi oo la iskaga xog waraysanayay xaaladaha amniga, ayaa hubkaas iyo maandooriyahaasi lagu soo bandhigay.

Waxaana kulankaasi is xog waraysiga ah lagaga hadlay hawl-galo ay labadii bilood ee u danbeeyay boolisku ka fulinayeen magaaladda Laascaanood iyo waxyaabihii ay ku soo qabteen. Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed Cabdillaahi Cabdi, ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii ay qaadeen iyo waxyaabaha uga hirgalay.

Waxaanu taliyuhu si gaara uga hadlay laba arrimood oo kala ah muranak dhinaca dhulka iyo qaadashada hubka sharci darrada ah. Gaashaanle sare Axmed Cabdillaahi Cabdi, ayaa dadweynaha shacabka ah uga digay in ay mamnuuc tahay in hubka sharci darrada ah lagu dhex qaato gudaha magaaladda, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid kastoo falkaasi lagu qabto.

Waxaanu yidhi,  “Dhulka go’aan baa ka soo baxay, oo waa la joojiyay. Wax dacwad ah oo fulin ahna ayaanay cidi noola imanin. Waxa kaloo reeban in magaaladda Laascaanood hubka  lala dhex marro, nooca uu doonaba ha noqdee. Dadka waxaanu leenahay hubkiina sharciyaysta oo guryaha dhigta”.

“Laba qorri magaaladda kama wada shaqayn karaan. Qorriga booliska qorri aan ahayn oo laga ogol yahay magaaladda na ma jirto. Qofka gurigiisa ku haysan waayaana, hadhow yaanu noo soo dacwoonin” ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska Sool.

Dhinaca kale, taliyuhu waxa uu ka hadlay dil todobaadkii hore ka dhacay magaaladda Laascaanood oo ka dhashay muran dhinaca dhulka ah oo laba qolo dhex amray, kaasoo uu hal qof ku geeriyooday laba kalena ku dhaawacmeen.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen dadka falkaasi ka danbeeyay iyo hubki ay wateenba, isla markaana sharciga la hor gayn doono.