Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland  Rayaale Oo ka Hadlay Xaaladda Cakiran Ee Magaalada LAASCAANOOD.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin

“Marna-ba shacabku ma gayaan xabbad iyo in lagu sheego argagixiso” Daahir Rayaale Kaahin

Lyon,France(Hayaannews):   – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Laascaanood, waxaannu farriimo u kala diray Madaxwayne Muuse Biixi, xukuumaddiisa iyo odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Laascaanood.

Qoraal kooban oo uu Md Rayaale ku baahiyey bartiisa Facebook caawa, waxa uu ku yidhi;

“Xaaladda Laascaanood waxaan soo jeedin lahaa in loo talo badsado oo laga dhaafo hadallada xanafta leh ee madaxda dawladdu warbaahinta la soo taagan yihiin mar kasta.

2007 markii Ciidammada qaranku sugayeen xuduudaha dalka, anna aan ahaa Madaxwaynaha qaranka, dadka reer Laascaanood waxay ahaayeen kuwo qayb ka ah taladii iyo go’aankii Qaran ee hawshaa culus kugu fuliyey.

Marnaba shacabku ma gayaan xabbad iyo in lagu sheego argagixiso, waxa hubaal ah in Garaadada iyo wagaradka ku shiraya Laascaanood aanay ku talinayn wax nabadgalayada wax u dhimaya.

Xukuumadda uu hogaaminayo walaalkay Madaxwayne Muuse Biixi khilaafka siyaasiga iyo dareenada shacabka ee ka taagan gudaha Somaliland si waayeelnimo leh uma wajahdo. Waxaan u soo jeedin lahaa in arrimaha waayeelnimo lagu wajaho, shacabkana laga dhawro dhib iyo hagardaamo soo gaadha.”

 

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Lyon, France

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com