Madaxwenihii Hore Ee DDS Cabdi Maxamuud Oo Dib U Helay Xoriyadiisii,Kadib 7-sannadood Oo Ku Xidhnaa Xabsiga Adis-ababa

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar

Adis-ababa(Hayaannews): Madaxweynihii Hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maanta laga siidaayay xabsiga Qaaliti ee ku yaala Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa,kadib markii uu  7-sannadood ku xidhnaa isaga oo aan xukun maxkamadeed helin.

Cabdi Maxamuud, oo 8 sannadood hogaaminayay xukuumadda deegaanka Soomaalida ayaa la xidhay sannadkii 2018, kadib markii ay jigjiga ka dhaceen qulqulatooyin ay dad ku dhinteen.

Dhowr jeer ayaa la horgeeyey maxkamada sare Federaalka Ethiopia oo la dhageystay eedeymihii lagu eedeyey, Madaxweynihii hore ee Dawlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa muddii xilka Madaxweyne hayay waxa uu horumar la taaba kaaro gaadhsiiyay Dawlad deegaanka Soomaalida

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar