Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Paris Kula Kulmay Xildhibaano Tirsan Baarlamaanka Faransiiska.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd iyo kulankii Xildhiaanada Frances-ka Hayaannews

Paris(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL, Md. Dr Ciise Kayd Maxamuud oo uu weheliyo safiirka Somaliland ee waddanka faransiiska Amb Cabdiraxmaan Yaasiin ayaa xarunta aqalka sare ee waddanka Faransiiska kulan kula yeeshay saddex xildhibaan oo ka tirsan senetka oo kala ah Olivier Cadic – Sénateur, Hugues Saury iyo Jean-baptiste Lemonye.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd iyo kulankii Xildhiaanada Frances-ka Hayaannews

Dhinca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo safar shaqo ku joogga wadanka Faransiiska , gaar ahaan magaaladda Caasimadda ah ee Paris ayaa  kulan la yeeshay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaas.

Kulankaas oo ay soo qaban-qaabisay safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku leedahay dalka faransiiska  (Somaliland in France) oo uu hoggaaminayo Amb Cabdiraxmaan Yaasiin oo ay weheliyaan madaxa jaalliyadda iyo guud ahaan hawl-wadeenadda safaaradu ayaa u qabsoomay si heerkeedu sarreeyo.

Hayaannews, Office

France, Paris