Madaxweyne Biixi Oo Wareegtooyin Ku Dhaqan-geliyey Xeerka Guud Ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo xeerka Nidaamka Ururada iyo axsaabta Somaliland

Madaxweyne Biixi Oo Wareegtooyin Ku Dhaqan-geliyey Xeerka Guud Ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo xeerka Nidaamka Ururada iyo axsaabta Somaliland

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Mudane  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegtooyin uu ku dhaqan gelinayo labo xeer oo kala ah; xeerka guud ee Doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo xeerka nidaamka Ururrada iyo Axsaabta siyaasadda Somaliland., kuwaas oo Golaha wakiiladu ku sameeyay wax ka bedel iyo kaabis, dibna ay maxkamadda sare laashay qodobkii muranka dhaliyay ee boqoleyda.

Labadan xeer oo fure u ah hirgelinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasada Somaliland, isla markaana soo maray marxalado kala duwan oo xiisado ka dhashay muran dhinaca sharciga ah ka dhex abuuray Gole ee xeer dejinta (Wakiilada iyo Guurtida), axsaabta qaranka Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi maanta dhaqan galkooda ku soo saaray wareegtadan oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanay u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2024 uu soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku dhaqan-gelinaayo laba xeer oo kala ah:- Dhaqan-gelka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023. Iyo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaa Madaxweynuhu Sidan:-

  1. Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023.

Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023; (Go’aan Lr. GW/KF- 7/01/2024);

Markaan Arkay:  Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024 ee ay Maxkamaddu ku laashay Faqradaha 5aad iyo 6aad ee Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023;

Markaan Arkay:  Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024 ee ay Maxkamaddu ku laashay ereyga “Boqollay” ee ku jira Faqradaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-Bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lr. 91/2023 iyo lifaaqyada kala ah:

– Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024, iyo

– Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024.

  1. Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo Gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023, (Go’aan Lr. GW/KF- 7/02/2024);

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023.”

Madaxweyne Biixi Oo Wareegtooyin Ku Dhaqan-geliyey Xeerka Guud Ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo xeerka Nidaamka Ururada iyo axsaabta Somaliland

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland