“Waa Bushaaro-weyn iyo Farxad La Sugayey in La Saxeexo Oo Uu Dhaqan-galo Xeerarka Doorashooyinka Isku Sidkan…” Murashax Cabdiraxaan-CIRRO.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdlaahi (Cabdiraxman-Cirro),

“Iskuhaynta Dalka & Dadka…..”

Hargeysa(Hayaannews): Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdlaahi (Cabdiraxman-Cirro), ayaa soo dhaweeyey, kadib markii uu madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu maanta soo saaray wareegtooyin uu ku dhaqan gelinayo labo xeer oo kala ah; xeerka guud ee Doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo xeerka nidaamka Ururrada iyo Axsaabta siyaasadda Somaliland,kuwaas oo Golaha wakiiladu ku sameeyay wax ka bedel iyo kaabis, dibna ay maxkamadda sare laashay qodobkii muranka dhaliyay ee boqoleyda.

Sidaa waxa uu Cabdiraxmaan-Cirro ku sheegay qoraal koobaan oo uu ku saxeexan-yahay oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Waa bushaaro weyn iyo farxad la sugayey in maanta la saxeexo oo uu dhaqan-galo Xeerarka doorashooyinka isku sidan ee muddooyinkii ugu dambeeyey Jamhuuriyadda oo dhammi ku howllaneyd sidii uu ansixi lahaa una dhaqan geli lahaa.

Waxa aan mahadnaq u dirayaa dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay in dalkeennu dib u qaado tubtii doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda oo ay ugu horreeyaan labada Gole Qaran ee Barlamaanka JSL, iyo daneeyayasha kale ee arrintan wax ka geystay.

Dalkan iyo dadkiisu waxa ay u baahan yihiin wada-jir, midnimo, wax wada-lahaansho, is aaminaad iyo in geeddiga qori isku dhiibku uu halkaa innooga sii socdo, taasina way ay ku imanaysaa in la qaado dhabo doorasho oo xor iyo xalaal innoogu dhacda.

Reer Somaliland oo dhan, gudo iyo dibedba, waxa aan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan doorashooyinkii isku sidkanaa, Xisbiga WADDANI-na, waxa uu Qarankan u horseedi doono isbeddel ku dhisan Caddaald, Sinnaan & Wadajir.

Iskuhaynta Dalka & Dadka.”

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdlaahi (Cabdiraxman-Cirro),

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland 

Email: hayaannewsonline@gmail.com