Maraykanka Ayaa $17.5 Milyan Oo Magdhow Ah siinaya Dumar Qasab Madaxa Loogu Qaawiyey.

New York(Hayaannews): Maamulka magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ogolaaday, in uu magdhow u siiyo, laba dumar ah oo uu bilaysku ku qasbay in ay xisaabka madaxa ka qaadaan.

Jamiilka Kalark iyo Arwa Casiis oo muslimiin ah, ayaa sannadkii 2018 dacwad ku soo oogay maamulka magaalada, kaddib markii uu bilaysku ku qasbay in madaxa ay banneeyaan, xilli la doonayey in laga qaado sawirkii xabsiga si loo xidho.

Labadan dumar ah oo siyaabo kala duwan iyo marar kala gaar ah uu bilaysku qabtay, ayaa xad-gudub ka tirsaday sida loola dhaqmay, iyada oo bilaysku uu ka diiday in uu masarka u soo celiyo xitaa markii ay ooyeen. Meel ay joogeen tobannaan nin oo bilays iyo maxaabiis isugu jira.

Sannadkii 2020 ayuu bilaysku beddelay siyaasaddii hore ee ahayd gabadha la xidhayo, marka sawirka laga qaadayo in madaxa loo qaawiyo, haddii aanay keenayn in wejiguna qarsoomo.

Isla sannadkii 2018 kii, magaaladani heshiis ay ku bixinayso magdhow 60 kun oo doolar ah ayaa ay la gashay, sddex dumar muslimiin ahaa oo sidan oo kale loogu qasbay in ay xijaabka bixiyaan xilli sawirka xabsiga laga qaadayey.

Magdhowgan cusub ee New York ay bixinaysaa waa 17.5 iyo badh doolar, waxaana loo qaybinayaa dumar tiradoodu gaadhayso 3600 oo marar kala duwan dacwado xijaabka la xidhiidha ka soo xareeyey bilayska. Waxaa la qiyaasayaa in ay gabadh kastaa heli doonto 7 illaa 13 kun oo doolar.

The Guardian

Kamaal Marjaan