Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Oo Ku Hawlan Siday Cinwaano Ugu Sameyn Lahayd Guryaha, Ganacsiga iyo Wadooyinka Caasimada Somaliland ee Hargeysa

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Idiris waxa uu kulan la yeeshay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge kaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda.

Kulan kaasi oo diirada lagu saaray sidii ay u xoojin lahaayeen wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda iyo Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa, Qodobada muhiim ka ah ee kulanka lagu falanqeeyay waxa ka mid ahaa:

Sidii loo casriyayn lahaa adeegyada Dawaladaha Hoose, wasaaraduna gacan uga gaysan lahayd sidii adeegyadu u noqon lahaayeen kuwo lagu bixiyo tiknoolaji casri ah.

Waxa kale oo kulanka lagu falanqeeyay sidii Caasimada loogu samayn lahaa cinwaano (Postal Addressing) kuwaasi oo loo samayn doono guryaha,dhismayaasha, ganacsida iyo waddooyinka. Kulanku waxa  uu ku soo dhamaaday in la dar-dar galiyo hawlaha mudnaanta leh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Idiris