Maxkamadda Hargeysa oo Dalbatay Xayiraada Baraha Bulshada Suxufiyiin Anshaxa Saxaafada Ka Talaabsaday

Hargeysa (Hayaannews)- Go’aanka maxkamadda Hargeysa soo saartay ayaa lagaga dalbaday shirkadaha isgaadhsiinta inay xayiraan baraha bulshada ee qaar ka mid ah suxufiyiinta dalka oo ka talaabsaday anshaxa suuban ee saxaafada, isla markaana caadeystay faafinta warar naxli iyo cadaawad ku dhexbeeraya bulshada Somaliland.

Go’aan maxkamada ka soo baxay badhtamihii bishii January ee 2023-ka oo ay aragtay Somaliland Chronicle ayaa lagaga dalbaday shirkadaha isgaadhsiinta in la xayiro baraha bulshada sagaal weriye iyo hay’ado warbaahineed oo lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah iyo hurin colaadeed.

Sida lagu sheegay Amarka Maxkamadda ee ka soo baxay Maxkamadda Degmada Maroodijeex, ayaa lagu dalbaday xayiraada Baraha Bulshada ee Facebook-ga, youtube-ka iyo Twitter-ka ee Mr. C/Risaaq Terra, Marwo Busharo Baanday, Maxamed Yuusuf Bakayle, Abdisalam Germany iyo kuwo kale.

Qaar ka mid ah wariyayaasha maxkamadu go’aankeeda ku sheegtay ayaa baahiyey warar, waraysiyo iyo qoraallo la xidhiidha xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ku eedeeyeen xukuumadda Somaliland inay xasuuq ka geysatay, isla markaana ay ku doonayaan inay sii kordhiyaan farriinta Odayaasha kooxaha huwanta ee u heellan inay la midoobaan Somaaliya, oo wacad ku maray inay dagaal ku qaadi doonaan Jamhuuriyadda Somaliland ilaa inta ay ka baxayso waxa ay ugu yeedheen dhulkii awoowayaashood.