Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Digniin U Diray 31 Sarifle Oo Ka Ganacsada Isku Bedelka lacagaha

Logo Bank Dhexe Somaliland Hayaannews

Hargeysa (Hayaannews): Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu digniin kama dambays ah ugu diray Qaar ka mid ah Sarrifleyaasha ka ganacsada Isku-beddelka Lacagta Shilinka iyo Dollar-ka laga dhex-isticmaalo adeegyada Zaad iyo E-dahab.

Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sarrifleyaasha ku eedeeyey inay kala dhantaaleen Adeegga Sarrifka lacagaha, iyagoo Iska xannibay Gacanta Dambe ee Sarrifka oo ah marka Qofku doonayo inuu Shilinka Somaliland ku iibsado Lacag Dollar ah.

Guddoomiyaha baanka dhexe Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa digiin kama danbeysa u diray 31 sarifle oo uu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u qiimo tiri lahaayeen Shilinka Somaliland,waxaanu xusay inay caadaysteen in ay kala dhantaalaan adeega sarifka ee ay bulshada siinayaan.

Waxa sidaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, Md. Cali Cabdillaahi Daahir, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Shabakada Wararka ee #Hayaannews, waxaanu u dhigna sidan:

“Baanka dhexe isaga oo ka duulaya waajibaadka ka saaran xasilinta suuqyada sarifka, ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland iyo in bulshadu ay hesho adeeg sari foo dhammeystiran, waxa uu digniin kama dambays ah u dirayaa sariflayaasha kor ku xusan oo caadaystay in ay kala dhalntaalaan adeeggooda sarifka ee ay bulshada siiyaan, iuyaga oo xidhaya gacanta danbe (Selling rate), qaarna ay rate-ka baanka wax dheeraysiiyaan taas oo baalmarsan xeerarka sarifka.

Sidaasi darteed waxa la idin farayaa in aad furtaan gacanta danbe ee adeeggiina sarrifka sida ugu dhakhsaha badan, haddii aad fulin waydaan waxa Baanka dhexe idinku wargelinayaa in la idinka qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, aniga oo ku rajjo weyn in aad fulin doontaan amarkaas”

Logo Bank Dhexe Somaliland Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com