#MOROCCO: Wiilkii Rayan Ee Ceelka Laga Soo Saaray Oo Dhintay

Morocco(Hayaannews): Boqortooyada Morocco ayaa sheegtay inuu dhintay wiilkii Rayan Saalim ee laga soo saaray ceel uu ku go’doonsanaa.

Wiilkan oo 5 sano jir ah ayaa muddo cisho ah ku dhexjira ceelkan uu ku dhacay, waxaana shaqaalaha gurmadku ay sameeyeen hawl-gal adag oo ay wiilkaasi ku badbaadinayeen.

Boqortooyada ayaa sheegtay in Rayan uu geeriyooday inta aanay kooxaha samatabixintu ugu tagin godka uu ku xannibnaa.

Howlgalka sama-tabixinta ayaa dunida, gaar ahaa waddamada Muslimka si weyn looga daawanayay, iyagoo dadku ay ka welwelsanaayeen wiilkaasi, kuna duceynayeen in Alle isagoo badqaba bannaanka u soo saaro.

Boqorka Morocco ayaa u tacsiyadeeyay waalidka dhalay Rayan Saalim.  Shaqaalaha gurmadka ayaa god weyn ka qoday ceelka dhiniciisa, si ay u gaaraan halka uu wiilka yar ku jiro.

Ceelka uu ku dhacay Rayan ayaa ku yaalla duleedka magaalada Chefchaouen ee waddanka Morocco.

Xiili hore oo maanta ah ayay howl wadeennada gurmadka u suurtagashay inay gaaraan wiilka, inkastoo ay ku adkaatay inay gacanta kusoo dhigaan

Waxaa aad looga walwalsanaa sida uu ku helayo neefta Oxygen-ta ilaa inta laga soo bixinayo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa laga dhur sugayay kooxda badbaadinta oo godka galay islamarkaana wiilka usoo saarayay dibadda. Qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa godka la galay kooxda badbaadada si ay ula tacaalaan haddii uu halis caafimaad ku sugan yahay.

Waxaa lasoo tabiyay in wiilka yar uusan wax cunin waxna cabin muddo shan maalmood ah. Sidoo kale khubarada caafimaadka ayaa ka walwalsan in maadaama ceelka uu ku dhacay uu aad u dheeryahay ay dhaawacyo gaadheen.

Heer kulka gobolka ayaa gaadha heer aad u sarreeya oo noqon kara 40 digrii ilaa 50 digrii, taasoo dhibaato weyn ku noqoneysa qof god ku jira.

Ceelkan ayaa u sameysan god aad u dhuuban oo qof caadi ah uusan gali karin, wuxuuna ka duwan yahay qaabka loo qodo ceelashada Soomaalida. Dhulka oo buuraley ah ayaa adkeeyay shaqada gurmadka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com