Ugaaska Beelaha ARAB Oo Naqdiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Taliye Nuux

“Taliye Nuux Taani Xaal Hasiiyo Darajadda Uu Xidhan Yahay Iyo Cidii Aas-Aastay.” Ugaas Guud Ee Beelaha ARAB.

Hargeysa(Hayaannews): Ugaaska Beesha ARAB Ugaas Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali-mahdi),ayaa wax la lo yaabo oo xaqiiqada ka fog ku tilmaamey hadal ka soo yeedhey Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General NuuxTaani oo sheegay in Aasaaskii ugu horeyey ee Ciidanka Qaranka Somaliland laga bilaabey Xarunta Taliska guud ee Magaalada Hargeysa.

Ugaas Axmed oo dabo-jooga hadalkaas oo uu Taliyaha Ciidanka  Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nuux ka jeediyey xaflad loo sameeyey dabaal-dega xuska sannad guuradii 28aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka oo ka dhacdey Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Ciidan beeleedkii Sancaani iyo hubkiisii uu ahaa kii ugu horeyey ee lagu bilaabey Aasaaska Military-ga Somaliland,kuwaas oo hawsha  qarameyntooda uu ka soo shaqeeyey Suldaankii guud ee ARAB Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ILAAHAY naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax laguna qarameeyey garoonka kubadda cagta ee Magaalada Hargeysa.

Ugaas Axmed waxa uu u soo jeediyey Taliye Nuux inuu raali-gelin siiyo beesha Arab, maadama, uu duudsiyey taariikhdoodii iyo  libintoodii ahayn in Ciidankoodii Sancaani ahaa kii koowaad ama kii  laga soo unkey Aasaaska Ciidanka Qaranka ee uu maanta u yahay  taliyaha.”Runtii  Markii aan maqley hadalkii Taliyaha, waxaan Xasuustey Wareysigii Cali Mahdi ( Madaxweynihii hore ee Soomaaliya) yidhi; halgankii hubeysnaa ee lagu ridey dowladii dhexe ee Soomaaliya wuxuu ka soo bilowdey gobolada dhexe ee Soomaaliya.” Ayuu yidhi,Ugaasku.

Ugu danbeyn, Ugaas Axmed, waxa uu ku dhaliiley Taliye Nuux Taani  sida uu uga been sheegay taariikhda Aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland,iyo sidii wanaagsaneyd ee uga warbixiyey Ciidamadda labada Wadan Jabuuti iyo Ethiopia,kuwaas oo uu sheegay in saraakiil ka socotey ay ka soo qaybgaleen xafladii sanadguurada 28aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com