Nuxurka Kulan Dhexmaray Ururka SOMA Iyo Agaasimaha Telefiishanka Qaranka Somaliland.

Hargeysa(Hayaannews): Wakiilada Mareegaha ka hawlgala JSL ee ku midoobey Dallada la magac baxday Somaliland Online Media Association, loona soo gaabiyo #SOMA oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Daladaas, Mustafe Cabdi Maxamed (#Mustafe_Janaale), ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 24 June 2021, kulan laba geesood ah oo albaabadu u xidhnaayeen kula qaatay Xafiiskiisa  Agaasimaha waaxda TV-ga qaranka JSL,  Mudane Cabdirisaaq Cismaan Maxamed.

Kulankaas laba geesoodka ahaa oo ay labada dhinac kaga wadahadleen sidii loo dar-dargelin lahaa wada-shaqeynta iyo isku xidhnaanta Warbaahinta Online-ka Somaliland ee SOMA iyo Telefiishanka Qaranka JSL mustaqbalka, islamarkaana ay wada yeelan lahaayeen kulamo iyo wadashaqayn joogta ah mustaqbalka. Agaasimaha oo halkaas ka hadlay waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada ay xafiiskiisa ugu yimaadeen tiro intaas le’eg oo ah suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta online-ka, islamarkaana uu garowsaday inay Qaranka ugu jiraan kaalin muhiim ah oo ay tahay in marwalba lagu xisaabtamo, maadama ay yihiin warbaahin casriya oo si xawli ah u socota waqtigan casriga ah. .

Suxufiyiintii ka socotay Ururka  Warbaahinta Online-ka Somaliland ee #SOMA waxay iyaguna dhankooda uga mahad celiyeen Agaasimaha sida fiican ee uu u soo dhoweeyey, iyagoo sidoo kalena ugu bogaadiyey agaasimaha Horumarka weyn ee lataaban karo ee uu gaadhsiiyay Telefiishanka Qaranka Somaliland mudadii koobnayd ee uu xilkaas hayey, maadaama uu culayska saaray sidii loo horumarin lahaa Qaybta online-ka ee Telefiishanka Qaranka Somaliland iyo weliba wada-shaqaynta kuwa gaarka looleeyahay.

Kulankan labada Geesoodka ahaa waxa uu ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi qurux baddan

https://www.facebook.com/somaorgonline

https://twitter.com/Somaorgonline

Email: somajournalism@gmail.com

#Ururka_SOMA

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com