Nuxurka U-jeeddada Kulan Dhexmaray Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakur-CIDIN Iyo Madax Sare Oo Ka Socotay Hay’ada UNICEF

Berbera-(Hayaannews)-Guddoomiyaha Golaha Deeganka Degmada Berbera, ahna Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Mohamuud Xasan (#CIDIN) ayaa maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay Madax-Sare Oo ka Socotay Hay’ada UNICEF, Gaar ahaan Waaxda Caafimadka.

Ujeeddada Imaatinka Wefdiga ayaa ahayd Kormeer Iyo qiimeyn ku saabsan mashriicda Caafimadka ee ay Hay’ada UNICEF Ka wado Degmada Berbera iyo Guud ahaanba Gobalka Saaxil.

Penelope Campbell Oo ah Madaxa Waaxda Caafimadka Hay’ada UNICEF ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Mayorka Cabdishakur-CIDIN uga mahad naqday shirka, Isla markaana ku hambalyeysay wax-qabadka muuqda ee u ka sameeyey magalada Berbera Sidoo Kalena ugu hambalyey dib-u-doorashada Mayornimo.

Ugu dambeyntii Mayorka Cabdishakur Cidin ayaa soo dhaweeyey weftiga ugana mahad naqay Iskaashiga wada shaqayneed ee kala dhexeeya Hay’ada UNICEF, Isagoo u balan-qaaday inuu xoojin doono xidhiidhada Caalamiga ah ee waddamada Yurub Iyo Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha horumarka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com