Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Maalgashiga Somaliland Iyo Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada

Hargeysa (Hayaannews):- Wasiirka Wasaarada Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa maanta hortegay gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada.

Guddoomiye ku Xigeenka Gudida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Maxamuud Axmed Obsiiye iyo Wasiirka Wasaarada Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad oo kulankaasi ka dib si wada jira Warbaahinta ula hadlay ayaa Sheegay in ay ka Wadahadleen Caqabadaha hortaagan Maalgashiga,

Maxamuud Obsiiye oo ka hadlayay kulankan ay Wasiirka la yeesheen waxa uu yidhi”Maanta (Shalay) waxa aanu la kulanay Wasiirka Wasaarada Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo ka mid ah Wasaaradaha wada shaqayntu nagu dhaxayso,waxaanan uga Mahadnaqaynaa kulankaa aanu la yeelanay waxaanan ka Wadahadalnay Xaaladda guud Maalgashiga iyo inta Shirkadood ee Maalgashiga ee dalka ka shaqeeya Caqabadaha hortaagan Maalgashiga,Khayraadka Wadankeenu maaha mid la soo koobi karo cid walibana way danaynaysaa si qoto dheer ayuu noogu faahfaahiyay Wasiirku wixii Caqabada ah ee hor taagan,”.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka Wadahadleen gudida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada.waxaana uu yidhi”Xogwaraysi ayay ila yeesheen Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada waxaanan la wadaagnay Xeerkii Maalgashiga oo Golaha Wasiiradu ansixiyay loona soo gudbiyay Golaha Wakiilada,waxa kale oo aanu ka Wadahadalnay soo jiidashada Maalgashiga si fiican ayaan isku afgaranay oo uu noogu dhamaaday kulankaasi,”.