Nuxurka U-jeeddada Booqashada Uu Madaxweyne Xasan Uu Ku Tegay Addis-Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra'iisal Wasaaraha Abiy Axmed

Addis-ababa(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabta gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, oo uu kaga qeyb-galayo shir.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu halkaas uga qeyb-galayo shir saddex geesood ah, oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

“Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xidhiidhka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Waxay madaxtooyada intaas ku dartay in madaxwenaha iyo wafdigiisa ay soo bandhigi doonaan aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisal Wasaaraha Abiy Axmed

Waxay sidoo kale “Soo bandhigi doonaan dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.”