Qabow Daran Oo Sababay Dhimashada 16 Qof Oo Ku Dhuftay Mareykanka

Dalka Mareykanka ugu yaraan 16 Qof ayaa ku geeriyooday qabow daran iyo duufaan culus oo Dalkaas ku dhufatay.
Korontada oo ka tagtay 700,000, in ka baddan guri iyo goobo ganacsi ayaa sababtay Shilal culus oo ka dhacay waddooyinka ay Gaadiidku isticmaalaan taas oo sababtay khaasaraha ugu badan.
Duufaanta lagu Magacaabo“Bomb Cyclone”oo kamid ah kuwii ugu xooganaa ee muddo tobanaan sano ah ku dhufata dalkaasi, ayaa sidoo kale sababtay in la joojiyo in ka badan 3,000 oo duullimaadyada Mareykanka ah Sabtidii, taasoo xannibtay kumannaan qof oo safar ah.