“Qareenka  (Maxamed-BAASHE), Ha Loo Soo Celiyo Xoriyadiisa Ha Loo Soo Celiyo, Sharcigana Dhowra,,,” Baaq.

Garyaqaan Maxamed Baashe

Hargeysa(Hayaannews); Waxaa muddo dhowr maalmood ah ku xidhan jeelka Hargeysa Garyaqaan Maxamed Baashe oo ah xubin ka tirsan ururka qareenada Somaliland. Kaas oo xadhigiisa dad badani ku tilmaamey inuu yahay mid sharci daro ah maadama aan loo marin dariiq sharci oo xalaal ah.

Haddaba, Xadhiga Garyaqaan Maxamed Baashe oo ay ka dhasheen doodo waxaanu qormadan kooban bulshada reer Somaliland ugu soo bandhigi doona dhowr qodobo oo iftiiminayaa in Garyqanaan Baashe xadhiga lagula kacey yahay mid  sharci daro ah.

“Garyaqaan Maxamed Baashe Xadhiga La Gula Kacay Waa Mid Sharci daro ah. Sida ku cad xeerka qareenada xlr. 30/2004 Qodobka 13aad

Anshax marinta Qareenada waxa   anshax marin kara gudida ruqsad bixinta iyo anshax marinta ururka  qareenada somalilan. Sidoo kale waxa waajib ah in aan qareenka xadhig lagula kicin oo xasanaad leeyahay sida ku cad xlr.30/2004   Qodobka 20aad oo u dhigan sidan:

Xuquuqda & Dhawrsanaanta Qareenka

  1. Xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinimo ka sokow wuxuu qareenku yeelanayaa xuquuqda muhiimada qareennimo.
  2. Wareenka lama xidhi karo, lamina xayiri karo hadii hadii aan lagu qaban denbi culus isagoo faraha kula jira (Flagrance) ama aan ogolaansho laga helin Guddiga ruqsad bixinta iyo anshax marinta qareenadda.
  3. Lama baadhi karo, lamina xayiri karo xafiiskiisa, Gurigiisa, Qoraaladiisa & Xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, hadii aan amar sababaysan laga helin Garsooraha gacanta ku haya Dacwada la xidhiidha arintiisa.

Hadii dambi lagu eedaynayo waxa waajib ah in loo maro habraaca sharcigu tilmaamay.  Waxaan ku baaqaya in qareenkaas xoroyadiisa loo celiyo sharcigana la dhawro.

Garyaqaan Maxamed Baashe

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com