Ramaax Oo Sheegay In Ay Xidhmeen 23 Masaajid Oo Magaalada Berbera Ku Yaalla

Berbera(Hayaannews) Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in 23 Masaajid oo kamid ahaa Masaajidda lagu Cibaadaysto ee Magaalada Berbera ay xidhmeen xiligan, isaga oo Xukuumadda iyo maamulka Gobolka Saaxil ku eedeyey inay xil iska saari waayeen daryeelka Masaajidada lagu cibaadaysto, khaasatan bixinta adeegyada laydhka

Siyaasi Ramaax oo Magaalada Berbera kula hadlayey War-baahinta ayaa hadalkiisu u dhignaa sidan“Magaaladii Berera 23 Masaajid wey xidhan yihiin oo kuwii lagu tukan jiray ah , waxaa loogu Tukan Karri waayey waxay leedahay Duruuf iyo cimilo gaar ah ayuu leeyahay runtii Gobol kani , Xukuumad kasta oo jirtaana ay ku tixgelin jirtay, maamul kasta oo yimadaana uu runtii wax kaga qaban jiray marka uu la tashado dad weynaheeda iyo dadka magaalada uu la tashado , waxa nasiib darro ah Masaajidkaasi Shide 3000 kun oo dollar ayaa la ururiyey oo laydhkiiya ka ku xiga shan kun oo dollar ayaa la ururiyey oo laydhkiiya .”

Dhanka kale Ramaax ayaa sheegay in shaqaalaha Warshada laydhka Berbera ilaa kuwa saacada qoraya ay yihiin ajaanib, iyadoo dadkii dalku shaqo layahay “Warshadii Laydhka waxa la keenay shaqaale keynyan ah, inanka saacada qoraya Kenya ayaa laga keenay saacada laydhu halka ay Marayso inanka qoraya Kenya ayaa laga keenay , waar ma wax la qaadan karaabaa, ma Berbera ayaa laga waayey ma Somaliland ayaa laga waayey “

Geesta kale Ramaax ayaa waxa uu sheegay in ajaanib ay haystaan dhammaan shaqooyinkii dadka reer Berbera ay qaban lahayeen waxaanu sheegay inay shacabka reer Berbera arrintaasi ka dagaalamayaan isla markaana aanay u dul qaadan doonin“Laydhkii ayaa halkaa Maraya, Biyihii ayaa go’an, Madaarkii ayaa inamo qaateen , Dekaddii ayaa la arkayaa , maanta waxay ku xuntahay Berbera Maalintii uu Madaxweyne Siyaad Barre yidhi fooqaa xerradda Milateriga ayaa laga arkayaa ciddi gelimayso, tii 1980kii aanu ka dhignay Berbera ayaanu ka dhigaynaa Madaxweyne oo ummadda oo dhami wey kacsantahay , waxaanu samayn doono afarta waddo ee laga Baxo gobolka mid walba in gaadiidka lagu jarro in lagu dagaalamo inay xaqooda helaan dadkani .”Ayuu yidhi Ramaax