Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Lagu Tabbabaray Haamaha Bad-baadada Dabka Iyo Wacyigelinta khataraha Dabka

Aqoon is-weydaarigan oo Kor Loogu qaadayo Aqoonta shaqaalaha Dawlada Hoose Caasimada Hargeysa  ee Bad-baadada Dabka iyo Wacygelinta khatarihiisa.

Hargeysa(#Hayaannews): Madax-xafiiseedka maareynta khataraha iyo masiibooyinka ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Mr. Cali Maxamed Nuur (Cali-DHEEREYE) ayaa tabbobar u soo xidhay dhowr iyo tobban shaqaale ah oo lagu tabbobarayay bad-baadada dabka iyo qalabyada loo isticmaalo  ayaa maanta lagu qabtay Hoolka Xarunta dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa.

Tababartan oo ay u-jeeddadiisu ahayd sidii shaqalaha dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa, gaar ahaan Waaxda Xafiiska maareeynta khataraha iyo masiibooyinka loogu tabbobari lahaa inay bartaan noocyada qalabka bad-baadada dabka iyo khatarahooda,  si  bulsho-weynta Caasimada Hargeysa looga wacyi-geliyo dhibaatada dabka, si ay iskaga bad-baadiyaan haday khatar dabadeed guryahooga iyo ganacsigooda uga dhalato.

Tabobarkan ayaa waxa iska Kaashanaya dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa iyo Shirkadda bad-baadada dabka ee U power oo si mutadawacnimo leh u bixinaysay aqoon is-weydaarsigan.

Madax-xafiiseedka Cali-DHEEREEYE waxa uu u mahad-celiyay macalinkii bixinayay tabbabarka oo ka socday Shirkadda U Power, waxaanu yidhi“Tabobarkani waxa uu daba-socday geedi-socodkii toddobaadka Caasimada Hargeysa ee bad-baadada wacyi-gelinta dabka iyo khataraha, kullankii aanu la yeelanay Shirkaddaha keena qalabka Bad-baadada Dabka iyo shirkadaha keena Gaas-ta iyo dawooyinka xoolaha, qalabka gurmadka degdega ah iyo kuwa dawooyinka Cayayaanka lagula dagaalamo, kulankii aanu xarunta dawlada Hoose kula yeelanay ayay daba socotay. Markaa Macalin Cabdixakiin si muwaadininimo leh oo  mutadawacnimo ku dheehantahay ayuu tabbobarkan inoo siinayay.”

Guud ahaan waxa ay u-jeeddadiisu ahayd Haamaha Bad-baadada inay shaqaalaha Xafiisku bartaan haamahani noocyada ay kala yihiin, inta qeybood ee ay u kala baxaan, mid walba waxa loo isticmaalo iyo inta qeybood ee ay ka kooban yihiin. Waxa uu yahay qallabka dabka sheega ‘Fire Detector’, qalabkii qeylinayay marka uu dabka arko, iyo guluubkii baxayay marka uu dab arko, Goobtii laga baxay bad-baadada, goobaha laga baxo alaabaha lagu xidho. ”Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markaa Tabbabarkani maaha kii kowaad iyo kii labaad oo dhammaanaya, waana qeyb ka mida geedi-socodkii badbaadada dabka Caasimada oo toddobaadka bisha 3aad ugu horeeya 2023, aanu u qoondeynay inaanu ku qabano Caasimada Hargeisa tobabarkan uu yahay mid  imika aqoonta shaqaalaha lagusii dhisayo.

Ugu danbayntiina Agaasime Cali-DHEEREYE waxa uu u mahad-celiyay Shirkadda Bad-baadada dabka ee magaceeda la yidhaahdo U Power oo ka mid ahayd shirkaddihii ka soo qeybgalay daah-furka todobaadka geedi-socodka bad-baadada dabka iyo wacyi-gelintiisa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com