Xuska Sannad-Guurada 29aad Aasaaska Ciidanka Qaran SOMALILAND Oo Lagu Xusay LAASCAANOOD

Laascaanood (Hayaannews) – Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxa lagu qabtay Xuska 29 Guurada Aasaaska Ciidammada Qaranka Somaliland.

Xuskan oo noqonaya kii labaad ee lagu qabto halkaasi, ayaa waxa khudbad dheer ka jeediyey Taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuuux Ismaaciil Taani, waxaanu tafaasiil ka bixiyey Taariikhda aasaaska Ciidammada Qaranka, baahidii keentay in la aasaaso sannadkii 1994-kii, ka dib markii uu xilka Madaxweyne-nimo qabtay Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Taliyuhu wuxuu ka warramay tiradii lagu bilaabay aasaaskii Ciidamada Qaranka, Tallaabooyinkii xigay iyo dedaalladii isku xig-xigay ee la sameeyay.

Taariikhdaasi ka dib, Taliye Taani wuxuu si faahfaahsan uga warramay Tababbaradii Maleeshiyaadkii lagu aasaasay Ciidanka, si tayadooda kor loogu qaado.

Tababbbarada Ciidanka oo aan dhammaan lahayd ka sakow, wuxuu Taliyuhu sheegay in Hamiga iyo hiigsiga Ciidanku ahaa inuu Maamulka Dawladda wada gaadhsiiyo Gobollada, amnigana ka shaqeeyo, arrintaasi oo uu illaa Maanta ku hawlan yahay.

Nuux Ismaaci Taani wuxuu sheegay in 5-tii sanadood ee u dambeeyay ay Tababbar uga soo baxeen illaa 7 kun oo Ciidan iyo Saraakiil iskugu jira, kuwaasi oo wax ku bartay dugsiyada Tababbarada Ciidanka ee Somaliland iyo kuwo dalalka Saaxiibka la ah Somaliland.

Taliyuhu wuxuu sheegay in 5-tii sano ee u dambeeyay uu Ciidanka qalabkiisa lagu kordhiyey 250 Gaadhi oo Cusub, Gaadiidkii hore ee dagaalkana dayactir ballaadhan lagu sameeyay, sida Taangiyada.

Taliyuhu waxa kale oo uu tilmaamay inay dhiseen illaa 600 Dhise, intaana aanay ku ekayn ee Ciidanku ka qayb-qaato Arrimaha Bulshada, sida Ciyaaraha.

Ciidamada Qaranka ayaa dhidibada loo taagay 29 Sanadood ka hor, muddadaa intaas leegna Ciidanku wuxuu soo maray Heerar kale duwan, xilligana wuxuu ka mid yahay Ciidammada ugu Awoodda badan, Aqoonta badan, uguna Tababbar Wanaagsan, marka la barbar dhigo Ciidammada Waddamada Bariga Afrika, xilligana waxay ka shaqaynayaan amniga Gobolka Sool, waxayna diyaar u yihiin inay Cadowga is muujiya iyo ka is qariyaba ka difaacaan Qaranka

HALKAN HOOSE KA DAAWO