Shaqaalaha Dowlada Somaliland Oo La Siiyey Fasax  sabtida Munaasibada Xuska isra wal Mucraaj Awgeed

Fasax Qaran: Munaasibada Isra-walmicraaj”Gudoomiyaha Haya’dda shaqaalaha Dowlada Somaliland Khaalid Jaamac Qodax.

Hargeysa(Hayaannews): Haya’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa sheegtay in fadliga munaasibada xuska isra wal Mucraaj awgeed fasax yihiin shaqaalaha Dowladu sabtida oo ku beegan maalintii la dheelmiyey Nebigeenii suubanaa Mohamed (NNKH). 27 rajab sanadka 1444 Miilaadiga.

Sidaana waxaa shaaca ka qaadey qoraal uu soo saarey gudoomiyaha Haya’dda shaqaalaha Dowlada Somaliland Khaalid Jaamac Qodax.kaas oo dhigna sidan:

Fasax qaran: Munaasibada Isra-walmicraaj

“Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo duulaysa xeerka Shaqaalaha dawladda xeer lr.97/2022 qodobkiisa 64aad waxa ay ku Wargalineysaa Dhammaan masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’addaha dawliga ah.

In Shaqaalaha Dawladu shaqada fasax ka yihiin Maalinta Sabtida 18 February 2023ka oo ah xuska Isra-walmicraaj”.Ayuu yidhi Gudoomiyaha Haya’dda shaqaalaha Dowlada Somaliland Khaalid Jaamac Qodax.

Guddoomiyaha-Hayadaha-Shaqaalaha-Dawlada-Khaalid-Jaamac-Qodax-HAYAANNEWS

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com