“Wax Wada Hadal Ah Oo YAGOORI Nooga Furmaya iyo Salaadiin Nala Soo Hadashay Ma jirto” Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

SOOL(Hayaannews): Garaadada Dhulbahante ayaa beeniyey in aanu jirin wax waddo hadal ah oo Magaalada  Yagoori ka furmaya iyo isimo la soo xidhiidhay Garaadada reer SOOLl midkoodna.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ah Isimka deegaanka Yagoori ayaa isaga oo dabo jooga hadal uu Madaweyne Muuse Biixi maanta sheegay in wada hadal Yagoori uga furmi doono ergo isimo ah oo ka socota dhinaca Dowlada Somaliland iyo Garaadada Sool ayaa ku tilmaamey inuu yahay been iyo waxba kama jiraan.

“Wax wada hadal ah oo Yagoori nooga furmaya iyo Salaadiin Nala soo hadashay ma jirto” ayuu yidhi; Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Waxana uu markale ugu baaqey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu kala baxo ciidamadiisa degaanada SSC, si loo abuuro jawi suurtogeli kara  in la wada hadlo.

Garaadku isaga oo naqdiyaya hadalkii Madaweyne Muuse Biixi ka jeediyey madashii maanta waxa uu yidhi: “Muuse  wuxuu yidhi Laascaanood ayaan u Tudhay, Tudhaale aad Laascaanood ula hadhey ma jirto , Xasuuqii iyo dagaalkii  Laascaanood aad ka gaystay waanu haynaa , Soomaalina waa ogtahay ,Taariikhda-na way kuu gashey, waana lagula xisaabtami “

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxa kale oo xusey in uu hore ugu gudbiyey talooyin ku saabsan arrinta wada hadalka labada dhinac iyo sidii uu suurtogalka ku noqon lahaa, balse,  uu ka diidey taladaas kadib markii uu la tashadey kuwa ku xasuuqaya dadka Laascaanood.

“Haddii aad laas caanood kaga aarsaneysid wixii dhacey 1988kii Dowladii Rajiimkii Siyaad Bare ee Somalidu u wada dhameyd diyaar baanu u nahay dad qaadi kara waa nahay , dad Somali looga aari karo waa nahay” ayuu yidhi, Garaadku. Isaga oo hadalkiisa ku gunaanadey “Hadalku wuxuu ku dhan yahay kii Xildhibaan Axmed Khaliif ee ahaa “Waa Beentii Madaxweynaha “.

Garaad-Jaamac-Garaad-Ismaaciil-HAYAANNEWS

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com