Shir Lagu Go’aamiyay In Si Deg- deg Ah Oo Bilaabo Qorshaha Hargeysa (Master Plan)

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dhulka iyo Guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mustafe Maxamuud Cali Bile ayaa shalay shirgudoomiyey shir lagu Go’aamiyey in Degdeg loo bilaabo Hargeisa Master Plan, kaas oo shalay si wada jira u dhexmaray wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa.

Shirkan maanta dhexmaray wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa wuxuu ka qabsoomay hoolka shirarka ee wasaaradda hawlaha guud, waxaana ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaama, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Maayirka Magaaladda Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, Maayir ku Xigeenka Caasimadda
Mudane Khadar, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeisa Mudane Siciid Nuur Jaamac, iyo qaar kamida agaasime waaxeedada wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta iyo dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa.

Shirka dhexmaray labadda dhinaca ee kala ah wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta iyo dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa masuuliyiintii ka kala socday waxa ay aad uga doodeen in la dadajiyo wax kasta oo fudaydinaya sidii hore loogu bilaabi lahaa qorshe magaaleedka magaaladda Hargeysa, isla markaana la diyaariyo wax kasta oo
ay u baahantahay sidii shaqadaasi ay degdeg ugu dhammaan lahayd.

Ugu danbeyn waxa ay labadda dhinac isla qaateen in wixii ka dhiman lagu daro xog-ururintii laga soo ururiyey dadweynaha magaaladda Hargeysa oo hadda gabogabo ku dhaw, isla markaana Injineeradda wasaaradda hawlaha guud dadadajiyaan naqshadda cusub ee magaaladda Hargeysa, si loo dadajiyo sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa
fulinta qorshe magaaleedka magaaladda Hargeysa. iyadoo labadda dhinac ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta iyo dawladda hoose ee Hargeysa ay muujiyeen siday uga go’antahay sidii degdeg loogu bilaabi lahaa in Hargeysa oo ah caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland u heli lahayd qorshe magaaleed ‘’Master Plan’’.