SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Weerar Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Laas-caanood, Fariina U Direy Umadda Soomaaliyeed

“Dadka Xamar iyo Soomaaliya degeni aad ha uga fikiraan siday dhibaatadaasi uga baxayaan, waayo annaga “Somaliland” way na soo gaadhaysaa” Madaxweyne Muuse Biixi.

Laascaanood(Hayaannews):Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay weerar khasaare nafeed sababay oo malleeshiyaad ka amar-qaata Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku soo qaadeen deegaamo ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in malleeshiyaadka ka tirsan maamul-goboleedka Puntland weerar ku soo qaadeen deegaamo ka tirsan Gobolka Sool isla markaana ay Dileen Lix Qof oo Shacab ah, kuwo kalena dhaawacyo u geysteen.

“Shalay Ciidamo ku soo duulay Somaliland ayaa jira, Ciidan beeleed iyo ciidan Puntland ah ayaa soo weeraray, shacabka reer Somaliland ee ku nool Laascaanood waxay ka dileen lix qof, tobban dhaawacana waxa la keenay Laascaanood…Maanta maynaan fileyn in Soomaaliya Iyo Puntland oo wada socdaa inay ciidan u soo diraan Somaliland oo ay weeraraan Shacabka jilaalka ku jira, wixii laga yeelayo dawlad ahaan waan ka tashanayna.”.Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-qarxay raysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo cirka isku shareeray, waxaanu sababaha khilaafka ku eedeeyey Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. “Waxa kale oo soo kordhay ninka Xamar ka taliya ee muddo dhaafka ku jooga iyo Ra’iisal Wasaarihiisi maamulkii way isku khilaafeen,…. waxaan u soo jeedinaynaa ninka Xamar xukuma ee muddo dhaafka, dadka Xamar iyo Soomaaliya degeni aad ha uga fikiraan siday dhibaatadaasi uga baxayaan, waayo annaga (Somaliland)”Sidaa waxa uu ka sheegay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cadi oo oo maanta xadhigga ka Jaray xarunta Daraasaynta Biyaha dhulka Hoostiisa u jira oo laga hirgeliyey Hargeysa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com