“Talaabooyinka Uu Qaaday Madaxweynihii Hore Waa isku Day Af-gambi Oo  Badheedha…” Ra’iisal Wasaare Rooble

Muqdisho(Hayaannews) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaadhsiinta xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamay go’aamada uu qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaaj isku day Afgambi oo badheedha, kadib markii  shaqa joojinta iyo ciidankii la dul-dhigay Xafiiskiisa.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa waxa uu ku dooday  go’aamada uu qaatay  Farmaajo in dhammaantood yihiin kuwo baal-marsan sharciga iyo Dastuurka dalka.

“Talaabooyinka uu qaaday qaaday madaxweynahii hore wuxuu ahaa isku day badheedh ah oo lagu afgambinayay dowladninada, Dastuurka iyo shuruucda dalka, Farmaajo inuu ku xad-gudbay shuruucda dalka ka sokow waxa uu saakay weerar bareer ah kusoo qaaday Xafiisyada raysal wasaaraha iyo Golaha wasiirada si uu uga hor istaago gudashada waajibaadkooda qaran” ayuu yidhi raysal wasaare Rooble.

Rooble ayaa waxa uu eedeeyey Farmaajo inuu ujeedadiisu tahay carqaladeynta doorashada dalka, isagoo doonaya inuu si sharci daro ah u sii joogo Xafiiska, waxaana uu is barbardhigay isku daygii muddo kororsiga ee bishii April 2021,balse fashilmay  “Waxaa farayaa dhamaan ciidamada qalabka sida inay si toos ah uga amar qaataan Xukuumadda cidii ka hor imaatana waxaan si deg deg ah ula tiigsan doona sharciga” ayuu yiri Rooble.

Raysal wasaaraha ayaa mudada uu hadlaayay waxa uu si toos ah u adeegaanaayay erayga madaxweynahii hore, isagoona sheegay inuu yahay Musharax aanan waxba ka duwaneen musharaxiinta kale.

Md. Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in shirkii Golaha wadatashiga qaranka uu iclaamiyay aysan waxba iska badalin lana qaban doono ayna kasoo qeyb gali doonaan dhamaan madaxda Golaha wadatashiga qaranka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO