SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Marti-qaad Rasmi Ah Ka Helay Ra’iisalwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed

Ethiopia(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan hore loo sii shaacin ku tegi doona dalka Itoobiya,kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’Iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Wefti ka socda Dowladda Somaliland oo u sii gogol-xaadheya safarka Madaxweyne Muuse Bixi ayaa caawa ka degay Madaarka Caalamiga ah Bole International Airport ee Magaalada Adisababa,Waxaana Weftigaas oo uu hogaaminayey Wasiirka Aarimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga JSL Md.Ciise Kayd, si diiran ugu soo dhoweeyey Airport Adisababa Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Ambassador Maxamed Axmed Maxamuud Cawad

Weftigan oo hordhaca u sii ah safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tegi doono dalka Ethiopia waxa Wasiirka arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Essa Keyd Mohamuud ku weheliya Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md.Cabdirisaaq ibraahim Ataash iyo Wakiilka Khaaska Marwo Edna Adan Ismaaciil .

Labada Dowladood ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh saaxiibtinimo oo aad u qoto dheer,kaas oo ku saleysan sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada, Siyaasadda, Amniga iyo Ganacsiga.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com