SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Xil-ka-Qaadis, Isku Beddel iyo Magacaabis Sameeyey

FILE PHOTO: Muse Bihi Abdi, president of Somaliland © AP Photo/Malak Harb, File

Hargeysa(Hayaannews)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu xil-ka-qaadis, isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey xubno ka mid ah golihiisa Xukuumadda.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu buuxiyey xilka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgeshiga iyo Wershadaha oo uu u magacaabay Cabdi Cismaan Dhaga-weyne Cabdulle. Xilkan ayaa bannaanaaday kaddib markii ay iska casilay Wasiirkii wasaaraddaas Marwo Aamina Cilmi Fariid Oo ka mid noqotay Golaha Wakiillada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu digreetadiisa xilka kaga qaaday guddoomiyihii Gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxaanu xilkaas u magacaabay Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey dibad-meer ahaa tan iyo markii ay dagaaladu ka bilaabmeen magaalada Laascaanood horaantii sannadkan.

Mr Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale digradiisa ku magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Sool Cabdikariim Siciid Aw Cabdi oo ah masuul dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-HayaanNEWS

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com