SOMALILAND Oo Ka Hadashay Dagaalka Maalintii Toddobaad Lagu Soo Qaaday Ciidamadda Qaranka Ee Jiida Hore iyo Wararkii Ugu Danbeeyey.

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed Hayaannews

Hargeysa (Hayaannews)- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasi-looni agaalada Laascaanood, ay mar kale si badheedh ah u jabiyeen xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee ay ku dhawaaqday Xukuumaddu.

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in kooxaha ku suu doolay amniga iyo xasilooniyada magaalada Laascaanood ay shalay subax weerar toos ah ku soo qaadeen goobooha kala ah d oo kala ah fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood iyo Xafiiska Badhasaabka Gobolka Sool.

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cabdilahi Xuseen Maxamed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday Kuna Cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka (shalay) markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada ku sugan Xeryahooda. Goobaha ay soo Wareereen kooxahaasi waxa ka mid ah:

– Xafiiska Badhasaabka Gobolka Sool.

– Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood.

Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, Ilaa hadana dagaalkii wuu socdaa.

Ciidanka Qaranku waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.”

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cabdilahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in shacabka Magaalada Laascaanood ay ka mid yihiin bulshada reer Somaliland, waxaanu yidhi “Xukuumadd ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka Laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood.

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cabdilahi Xuseen Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu dhaqdhaqaaq ciidan ka wado jiida aaga Tukaraq, waxaanu yidhi “Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.

Ugu dambayntii  Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogaysiinaysaa Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.”

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com