Dawlada Somalland  Oo Furtay Kulan Lagu Lafa-Gurayey La Dagaalanka Ka Ganacsiga Duur-joogta iyo Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga

Hargaysa (Hayaannews ): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo is-bedelka Cimilada Somaliland Shugri Ismaaciil Baan-dare iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Mohamed Cabdilaahi Ducaale ayaa daah-furey kulan la xidhiidha la dagaalanka sharci-darada ah ee duur-joogta Iyo ilaalinta Kheyraadka Dabiiciga ah.

Kulankan  oo ay si wada-jira u qabteen Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland iyo Hay’adda Ilaalinta Harimacadka (CCF), ayaa waxa uu socon doona muddo laba maalmood, isla markaana waxa lagaga hadli doona la dagaalanka Sharci-darada ah ee duur-joogta Iyo ilaalinta Kheyraadka Dabiiciga ah ee ay bulshadu udub dhexaadka u tahay.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay qaar ka mida hay’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo ilaalinta duur-joogta, oo ay ka mid tahay CCF, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland iyo masuuliyiin kale, waxaana kulankaasi lagu qabtay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo furitaanka shirkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in shirkani lagu dejin doono qorshaha lagu maamulayo kharyaadka dhulka.

Wasiirku waxay tilmaantay in dhulkeenu uu yahay dhul dihin, oo Badd, iyo buur, iyo bannaan ba isugu jira, isla markaana shirkan lagu dejin doono sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka deegaanka.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Dhulkeenu waa dhul dihin, oo Badd, iyo buur, iyo bannaan ba waynu leenahay. Markaa wax waliba sida ay ku haboon yihiin ayaa siyaasad laga dejin doonaa. Qorshaha isticmaalka dhulku na wuu ku jiraa, iyo in la sameeyo qorshaha is-dhex-galka iyo wada noolaanshiyaha dadka, deegaanka, iyo ugaadheenna. Saddexdaasina sida ay iskula jaan-qaadi lahaayeen ayaa la dejin doonaa” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Is-beddalkaCimilada Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa sheegay inay inay muhiimada kulankani ay tahay ilaalinta duur-joogta, waxaanu yidhi “Wasaaradu waxay u xil-saaran tahay ilaalinta dhamaaanba khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Wasaaradu waxay heshiis kula jirtaa hay’adda CCF, heshiiskaasi oo ah sidii loo ilaalin lahaa ugaadha ku nool Somaliland. Gaar ahaana Harimacadka. Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo hay’adda CCF waxay ka wada shaqeynayeen sannadihii ina dhaafay sidii looga hor tegi lahaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta”.

Md. Mohamed Cabdilaahi Ducaale ayaa waxa sharaxay u jeeddada shirkan, iyo waxyaabaha lagaga hadli-doono. “Shirkan aan maanta isugu nimid, waxa uu waddadda u furayaa inagoo ka duulayna, in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ugaadha wax lagaga qaban karaa, ay tahay marka iskaashi laga sameeyo, gaar ahaana meelaha ay bulshadu ku nooshay” ayuu yidhi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com