SOMALILAND Oo Markii Ugu Horeysay Ka Qeybgashay Shirweynaha Dhalinyarada Aduunka Oo Lagu Qabtay Dalka Ruushka.

Mohamed Khadar Jaahuur oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ka qeybgalay Shir ka dhacay Ruushka

“Qaddiyada Somaliland Meelkasta Oo Adduunka Waa In La Gaadhsiiyaa, Xitaa Ruushka ha Noqotee…”Mohamed Khadar Jaahuur.

Sochi(Hayaannews): Mohamed Khadar Jaahuur oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ciyaara kubadda Baseball-ka ayaa waxa uu ka qeybgalay shirweynaha dhalinyarada adduunka oo sannadkan 20204 lagu qabtay Magaalada Sochi ee dalka ruushka.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen in ka baddan 188 waddan oo adduun ah, waxa lagu lafo-guray iyada oo Doodo kooxo ah (Groups) la sameynayo arrimo ay ka mid yihiiin,Waxbarashada, Dhaqaalaha,Xidhiidhka Caalamiga,Technology, Volunteering, Charity, iyo sidoo kale Ciyaaraha (Sports).

Shirka waxaan ku matalayey waddankayga Somaliland ❤️waxanan ahaa qofka kaliya ee si full funded lagu soo casuumay Somalida geeska iyo in xitaa lay sii doortay dadka sida khaaska la soo xushay in marka shirku dhamaado loo qaado waxa loo yaqaan (Regional Program) ama in si dal-xiisa lay soo mariyo dal weynaha ruushka sii-ba Gobolada kala duwan ay ka mid yihiin Chechen republic oo Chechnya  loo yaqaan iyo Moscow.

Mohamed Khadar Jaahuur Iyo Dadkii shirka ka soo qeybgalay

 

“Waxaan leeyahay waa in qaddiyada Somaliland meelkasta oo adduunka la gaadhsiiyaa,xitaa Ruushka ha noqotee…”Ayuu yidhi Ciyaaryahan Maxamed Khadar Jaahuur

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Sochi, Russia

Email: hayaannewsonline@gmail.com