“Somaliland Waxa ay Haysataa Wax Ictiraafka aan ka Dhicin” Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mohamed Kaahin

Xukuumadda oo Ciidanka Qaranka Fartay in ay Gacanta ku Qabtaan Nabadgelyada Doorashooyinka

Hargeysa (Hayaannes)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa bulshada ugu baaqay in ay qayb weyn ka qaataan sugidda amniga doorashooyinka isku-sidkan ee la filayo in todobaadka dambe Somaliland looga dareeraayo.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Somaliland lagu majeerto nabadgelyada oo ay kaga wanaagsantahay dalal badan oo dunida ku yaal, waxaana uu yidhi “Waxa aan Ictiraafka ka dhicin ee Somaliland haysto ee adduunyadu ku majeerato ee aynu korsanaa waa nabadgelyada oo lagu qiyaaso in aynu nahay meelaha ugu wanaagsan Afrika, sidaa darteed waxa la rabaa in doorashada uu muuqdo bisaylkii dadka reer Somaliland ee dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo nidaamka dawladnimada”

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ciidamada ugu mahadceliyey shaqada wanaagsan ee ay qarankooda u hayaan, waxaanu ku amray in ay gacan bir ah ku qabtaan amniga doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada .

Ciidamada, mellateriga, booliska, laanta socdaalka, asluubta, sirdoonka iyo ciidanka ilaalada xeebaha ayaa si wada jir ah u sugayaa ammaanka doorashooyinka sida ay sheegtay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Kaahin ayaa saddexda Xisbi qaran ugu baaqay in ay la socdaan barnaamijyada iyo hab-dhaqanka murrashixiintooda maadaama ay iyagu hoggaaminayaan, waxaanu u soo jeediyey in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, “Axsaabta siyaasadda waxaan leeyahay yaan lagu kala caban maanta ilaalinta arrimaha nabadgelyadda iyo nidaamka sharciga doorashada lagu gelayo” ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

 Hargeysa, Somaliland

 EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com