Ololaha Doorashadu ha ka Turjumo Sidaynu ugu Dacfarnay Dimuqraadiyadda Qore: Cumar Maxamed Faarax

Shalay oo Axad ahayd waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabmay lix maalmood oo ah Ololaha Doorashooyinka isku-sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaasi murrashaxiinta iyo xisbiyadu ay codbixiyeyaasha kaga dalbanayaan codkooda, una soo bandhigayaan barnaamijkooda siyaasiga ah.

Ololuhu lixdaas maalmood waxa uu socon doonaa maalin walba 12 saacadood oo xidhiidh ah, waxa lagama maarmaan ah in xisbiyadu ay murrashaxiintooda ku ilaaliyaan inay dhawraan anshaxa ololaha oo laga baaqsado wixii xanaf ah iyo deelqaafyada ummadda kala fogeynaya.

Xisbi walba waxa xil ka saaran yahay in labadiisa maalmood ee Ololaha uu si wax ku ool ah u maamusho isla markaana uu si miyir qabta ummadda uga codsado inay doortaan. waxana habboon in laga ilbaxo shakhi cayga iyo hadallada dhiifta leh.#Hayaannews

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga digtay Hawlwadeennada iyo xubnaha Ciidammada inay ku lug yeeshaan siyaasadda iyo doorashooyinka, waxana sida sharcigu yahay Xukuumaddu ay balan qaaday inay tallaabo ka qaadayso adeegeyaasha dawladda ee lagu qabto astaan iyo ololeyaal xisbi ee xeerarka dalku ka reebeen.

Waxa kaloo xisbiyada u yaalla inay dhexdooda isku dardaaraan sidii looga feejignaan lahaa wax kasta oo amniga iyo xasiloonida dalka wax yeeli kara.

Ololaha Doorashooyinka Somaliland waxa looga baahan yahay inuu ka muuqdo bisayl iyo waayo-aragnimo siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed, maadaama oo aynu hore uga soo gudubnay lix doorasho oo si xor iyo xalaal ah uga qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland.

Furfurnaanta iyo xadaarada ololaha doorashadu waa inuu noqdaa mid cibro iyo tusaale u noqda dalalka Geeska Afrika oo dhaqankoodu yahay in Xukuumadda talada haysaa ay xisbiyada mucaaridka ah ku muquuniso awood dawladeed, taasi oo dalkeenna ka jirin xataa markii nidaamka asxaabta badani uu curdinka ahaa.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxay Hay’addaha Warbaahinta Qaranka ay horeba u sii fartay inay si dhex ah oo loo siman yahay u baahiso wararka axsaabta kala duwan ee dalka, taasi oo ah mid ka mid ah qoddobada foolaadka ah ee ka turjumaya inay Somaliland haysato horyaalka dimuqraadiyadda Mandaqada bariga Afrika.

Waxa waajib ah inaynu yaqiinsanno in ciddii badisaaba ay Somaliland tahay, sidaas darteedna aynu awooda saarno sidii aynu caalamka ugu soo bandhigi lahayn sida ay JSL ugu dacfartay doorashooyinka iyo dimuqraadiyaddaba.

Waxaan ku soo gabogabayaa niyadsamida uu ku bilaabmay ololuhu inuu ugu dhammaado saxal la’aan, iyadoo Komishanka Doorashooyinkuna ay ku hawlan yihiin inay u garsooraan murrasaxiintii ugu badnaa ee labadagole oo tiradoodu dhan tahay 993 tartame. waxana doorashooyinka Somaliland ay lafjab iyo tumaati ku yihiin Soomaaliya oo caalamku galiyey Malaayiin Doolar oo haddana laga quustay inay ku heshiiyaan inay qabsadaan doorashooyinkii dadbanaa ee ay isku dooran jireen.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com