#SOMALILAND:Xukuumadda Oo ka Hadashay Guurka qaaliga ah iyo Halka Diinta Islaamku dhigtay in la Jebiyo Meherka Hablaha

Hargeysa(#Hayaannews): – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay ahmiyadda ay Diinta Islaamku siisay in la jebiyo Guurka, si bulshadu u taranto isla-markaana nolol ahaan isku soo gaadho.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Albaani oo ka jawaabayey su’aalo lagu waydiiyey bandhig loo qabtay waxqabadka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa sheegay in xukuumaddu muhiimad siinayso isla-markaana ka hadlayso in Meherka iyo guud ahaan Guurkaba la jebiyo.

Wasiir Albaani oo ka jawaabaya su’aal arrintaa laga waydiiyey wuxuu yidhi  “Waa arrin sax ah in guurka la jebiyo, in meherka la qaaliyeeyo ama Guurka la qaaliyeeyo Sunne maaha, Nebiguna wuxuu yidhi ‘Guurka waxa u khayr badan kiisa u fudud’, markaa waa in la fududeeyaa, Waayo? waa la innagu guubaabiyey in aynaan Qaali-garanayn, haddiise ay dhacdo waxba yaan la dhibsan, sababtoo ah dadku way kala duwan, waxa jira mid Qaniya, mid faqiir ah iyo mid dhexdhexaad ah, balse waa waajib inaan guurka la qaaliyaynin, si bulshada la iskugu celiyo oo ay isku soo gaadhaan, noqona Bulsho aad u kala sarraysa (Nolol ahaan).”.

Wargeyska Geeska Afrika.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com