“KULMIYE Waxaanu Leenahay Faraha Kala Baxa Golaha Wakiillada…” Guddoomiye Kuxigeenka WADDANI WAABEEY.

Hargeysa(Hayaannews):Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md. Maxamed X Yuusuf Waabeeye, ayaa ugu baaqay Xisbiga KULMIYE inuu faraha kala baxo Golaha Wakiillada, isla markaana kula taliyay Golaha Wakiillada Somaliland inay arrimahooda dhammeystaan.

Waabeeye waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray maanta oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews waxaanu u dhigna sidan:

“Waxa madaxda Afrikaanka ah lagu yaqaan marka doorashadu soo dhawaato ee uu arko in aanu guuleysanayn ayuu xaalad abuura, imika waxa muuqata in Xisbiga Kulmiye oo u muuqda mid saaxadda ka sii baxaya uu xaalad abuuray oo baarlamaankii aynu dhawaan dooranay iska hor keenay oo ididiiladii ummaddu arkaysay ayay xukumadda Kulmiye gacanta galisay.”.Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md. Maxamed X Yuusuf Waabeeye

Guddoomiye Waabeeye waxa uu tallo u jeediyay Golaha Wakiillada Somaliland waxaanu yidhi“Golaha Wakiillada waxa aan leeyahay idinka ayaa xaq u leh in aad dhammaysataan wixii idin soo kala dhex gala, gacan saddexaad waxaad ugu yeedhataan meesha ma taallo oo idinka oo lix bilood joogay inaad hana la soo dhex galo tidhaahdan ma wacna ee Golihiina hoosta iskaga xidha oo dhammaysta oo awooddiina ha wareejinina Kulmiye waxaanu leenahay faraha kala baxa Golaha..”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com