SOOMAALIYA Ra’iisal Wasaaraha Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Al-shabaab
October 14, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews)-Ra’iisal
wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu markii ugu horreysay ku
dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, xilli uu ka qeyb-galayay munaasibad ka
dhacday Tiyaatarka qaranka ee loogu baroor diiqayay dadkii ku dhintay qaraxii
seddex sano ka hor ka dhacay Isgoyska soobbe ee magaalada Muqdisho.
“Al-shabaab waxay la
yimaadeen istiraatiijiyad dagaal oo dadka lagu dhibaateeyo, dowladdana waxa looga
baahan yahay iney la timaado istiraatiijiyad kale oo dadka lagu badbaadinayo”
ayuu Rooble u sheegay dad badan oo munaasabadda joogay.
Waxa uu sidoo kale
ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu sheegay si looga hortago qaraxyada gawaarida
loo adeegsado, waa in la sameeyaa qorshe fog ayuu yiri.
“Al-shabaab gawaari
ay dad walaalo ah ka qaateen , ayey ku fuliyaan qaraxyada, waa in aan ogaanno
dadka gawaarida laga qaatay” ayuu mar kale hadalkiisa ku sheegay.
Waa markii ugu horreysay uu ku dhawaaqo dagaal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo horay sidaan oo kale ay ugu dhawaaqeen ra’iisul wasaarayaashii ka horreeyay.
Hase-ahaatee Rooble
ayaa hadalkaan u sheegay boqollaalkii qof ee daawanayay, waxaana horyaalla
xukuumaddiisa shaqo adag ee uu ammaanka ugu horreeyo.