Ujeeddada Wefti Culus Oo Qaramada Midoobay U Soo Dirayso Somaliland

 Hargeysa(Hayaannews) – Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay dhawaan u soo dirayso magaalada Hargeysa ee Somaliland wefti culus.

Weftigan oo aan la garanayn cidda hoggaaminaysa, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, si ay uga wada-hadlaan mad-madowgii dhawaan soo kala dhex galay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Dawladda Somaliland ayaa Qaramada Midoobay kueedaysay inay hadimo ku hayso Somaliland oo ay u soo waaridayso siyaasadda Soomaaliya, iyadoo Somaliland hakisay qaybo ka mid ah wada shaqaynta Qaramada Midoobay, ka dib heshiis ay Muqdisho ku wada saxeexdeen Qaramada Midoobay iyo dawladda Soomaaliya.

 

Weftigan, ayaa Hargeysa u imanaya inay dawladda isfaham kala gaadhaan xal u helista tabashada Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu wax ka weydiiyo socdaalka weftigan madaxda wasaaradda arrimaha dibadda ayaanay noo suurtogelin