Urur-Goboleedka IGAD Oo Mashruuc Biyo-gelin Dhulka Hoostiisa Ah Ka Hirgelinaysa Tog-Wajaale

Magaalo Xuduudeedka Tog-Wajaale

Tog-wajaale(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa magaalada Wajaale ku soo dhaweeyay masuuliyiinta urur goboleedka IGAD oo uu hor-kacayo madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, kuwaasi oo qayb ka ah barnaamij ballaadhan oo laga fulinayo dalalka  ururka IGAD oo ku waajahan  dhinaca  biyaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay weheliyeen  wasiirrada wasaraadaha Maaliyadda, Kheyraadka Biyaha, Wasiir kuxigeenka Gaadiidka iyo masuuliyiinta gobolka Gabiley iyo ka degmada Wajaale, waxaanay kulan kula qaateen xuduuda labada dal madaxwaynaha Deegaanka Itoobiya iyo masuuliyiin kale.

Wufuuda labada dal ayaa waxa ay si wada-jir ah uga qayb-qaadanayeen dhagax dhiga mashruuc ballaadhan oo laga fulinayo dalalka qaybta ka ah ururka IGAD, oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga biyaha dhulka hoostiisa ku jira oo Wajaale laga fulinayo,kaasi oo wax weyn ka tari doona iskaashiga iyo wada shaqaynta dalalka Samaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay marshuucan biyaha ee IGAD ay ka fulinayso magaalada Wajaale oo ay ka wada faa’iidaysan doonaa Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu  u soo jeediyay  in loo kordhiyo qodista ceelasha biyaha.

Masuuliyiintii ka socday dalalka urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalooyinka Tog-wajaale ee Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland ayaa warbaahinta kula hadlay xudduuda labada magaalo.

Waxaanu yidhi “Maanta waxaan halkan u joognaa qorshe qayb ka ah barnaamij ballaadhan oo laga fulinayo dalalka qaybta ka ah IGAD oo ah dhanka biyaha”.

Madaxwaynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in mashruuca ka faa’iidaysiga dhulka biyaha hoostiisa ku jira oo ah hindise cusub oo ay hoggaaminayso IGAD uu wax weyn ka tari doono iskaashiga dhanka biyaha ee ka dhexeeya dalalka Geeska Africa ka jira dhammaantood.

Sidoo kale waxa madasha ka hadlay wasiirka wasaaradda biyaha dawladda Federaalka Itoobiya Dr.Habtamu Itafa kaasi oo sheegay inay wadaan mashruuc biyo gelin dhulka hoostiisa ah, kaasi oo uu sheegay inay ka faa’iidaysan doonaa bulshada labada magaalo ee Wajaale waxaanu yidhi “Waxaan halkan u nimid annaga oo ka kooban qaar kamid ah wadamada IGAD mashruuca horumarinta adeega biyaha dhulka hoostiisa ah, waxaana Tog-wajaale ka wadnaa mashruuc biyo-galineed oo ballaadhan kaasi oo aanu rabno in ay ka wada faa’iidaystaan bulshada labada magaalo”,Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee JDFI, Dr. Inj. Habtamu Itafa.

Magaalo Xuduudeedka Tog-Wajaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com