Wasiirka Caafimaadka Somaliland  Xasan-GAAFADHI Oo Bilaabay Dagaal Shaan-shiyeed Uu Kula jiro Xisbiga  KULMIYE

Xasan Gaafaadhi Hayaannews

Xiisad ka dhalatey wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Maxamed Cali (Xasan-GAAFAADHI) ku soo saarey in Dowladda Somaliland la wareegtay Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Sanaag Medical Hospital ee magaalada Ceerigaabo ayaa ruxdey amniga magaalada Ceerigaabo toddobaadkii la soo dhaafay.

Cisbitaalka oo ay maal-gelisay Shirkada Asli Maydi ayaa dhowrkii sannadood ee u dambeeyey oo uu shaqeynayey ay aad ugu miciinsadeen dadweynaha Gobolka Sanaag oo ka helay adeeg caafimaad iyo daawooyin tayo sare leh, islamarkaana meesha ka saarey baahiyihii caafimaad ee dadka bukaa u doonan jireen dalal jaarka sida Soomaaliya ,Itoobiya iyo Keniya.

Si kastaba ha ahaatee, Wareegtada Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi oo lagu tilmaamay inay tahay mid sharciga baal-marsan ayaa xaalad cusub oo amni daro ka dhalan karta ku soo kordhisay Gobolka Sanaag, maadama Dastuurka Somaliland uu dhiiri-gelinayo Ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada maxaliga ah.

Talaabada uu qaaday Wasiirku oo u muuqata mid lagu boobayo hantida muwaadiniin Somalilander ah ayaa dadweynaha reer Ceerigaabo si weyn uga horyimaadeen, iyaga oo xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqey inay ka noqoto go’aanka qar iska tuurka ah ee la doonayo in.lagu xalaaleysto hantida ganacsadaha maalgashadey Cusbitaalkaas kadib markuu arkay baahida Caafimaad ee ka jirta Gobolka Sanaag.

Wareegtada Wasiirka Gaafaadhi ayaa ku soo beegantay xilli loo diyaargaroobay doorashooyin, taas oo dhabar jab ku ah Xisbi xaakimka Kulmiye oo ka waayi doona codad badan deegaanka beesha tirada badan ee Biciide.

Waxa kale oo arrin xusid mudan ah in xukunka Biixi hore sharcigii ugula laabtey shirkadda Asli Maydi oo ka ganacsan jirtey Xabkaha iyo Faleenka, taas oo faa’iido baddan ay ku qabeen dadka  leh beeraha Xijiga, Beeyada iyo Malmalka, kuwaas oo qiimo sare uu kaga iibsan jirey mulkiilaha Shirkadda Asli Maydi oo isaga noqdey ganacsadihii u horeyey ee suuqyada Aduunka barey qiimaha  badeecadaas oo hore meel hoose joogtey. Waxaana meesha ka baxay gebi-ahaan-ba iibkii Beeyada, Fooxa iyo Malmalka ka dib markii albaabada leysugu dhuftey bakhaaradii Shirkadda Asli Maydi ee iibsan jirtey badeecadaas marka ay soo go’do. Taas na waxay hoos dhac ku keentay dakhligii beeralayda, ganacsatada iyo wasaarada maaliyadda Somaliland oo lacag badan ka heli jirey  shixnad kasta oo ay dhoofinayso Shirkada Asli Maydi.

Wasiir Gaafaadhi oo sida la wada ogsoon yahay quudareynayey kursiga gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee uu calfadey Mujaahid Maxamed Kaahin Ahmed ayaa dad badani aaminsan yihiin inuu ku hawlan yahay dagaal shaanshiyeed uu ku wiiqayo taageerada Xisbiga Kulmiye ku leeyahay gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka beesha Biciide sida darteed-na waxa looga baahan -yahay Mujaahid Kaahin inuu dhug u yeesho talaabooyinka guracan ee qaadayo Wasiir Gaafaadhi.Kana hawlgalo sidii loo Burburin lahaa Wareegta Wasiirka Caafimaadka Somaliland ee qayrul sharciga ah si looga badbaado khasaare ka dhasha kacdoonka shacabka ka gilgishay boobka hantida muwaadiniinta reer Somaliland.

Xasan Gaafaadhi Hayaannews

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland