“Wasiirro ayaa Loo Magacaabi Jiray Waaxda Dhaqanka” WEJI

Hargeysa (Hayaannews)- Agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka Maxamed Cali Waji ayaa soo dhaweeyay xilka cusub ee loo magacaabay, waxaanu sheegay in uu jecel yahay waaxda dhaqanka, isla markaana ay tahay waax ka magac iyo muunad badan waaxdii hore ee uu agaasimaha ka ahaa ee Telefiishanka qaranka.

Maxamed Cali Weji waxa uu sheegay in waaxda dhaqanka ee uu madaxda ka hayay ay tahay waax weyn oo qaranka muhiimad iyo qiimo badan ugu fadhida, iyada oo qiimaheeda ay ku tusayso in waaxdan loo magacaabi jiray Wasiiro.

“Haddii aad meelaha ka maqlayseen hadallo, anigu waxaan ahay nin weyn oo cirro leh oo ma hadlo, xilna waan aqaanaa macnihiisa oo nafta inagu jirto ayaaba meel gaadh ah. Waaxda la ii bedelayna waa waax weyn oo qaali ah, dadka joogaana waa dad qiimo badan. Waaxda dhaqanka waan jecelahay, ninka aan bedelayaana ILLAAHAY caafimaad ha siiyee waa inankaygii. Iskuulka Bullaxaar ee boodhinka ah ayay ku jireen isaga iyo Busi illaahay ha u naxariistee, iyaga oo fasalka labaad fadhiya oo saraawiil gaagaaban xidhan ayaan u imid.”

Agaasimaha Waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cali Waji, waxa kale oo uu ka fal-celiyay warar been abuur ah oo laga faafiyay iyo hadal hayn ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay, waxaanu yidhi “Dad baa igu yidhi waaxdasn laguu bedelay waa maxay, waxaan ku idhi waaxda dhaqanka Wasiiro ayaa ba loo magacaabi jiray. Wasaarada waffaafinta waxa la iga bedelay waax, waxaana la ii bedelay waax kale, waliba waaxda la ii dhiibay ayaa ka magac iyo muunad badan oo ka macno weyn. Markaa waxaan idin leeyahay inta meelahaa ii tirinaysay in wax la iga qaaday waxaan leeyahay waad mahad santihiine dedaalkiina iska haysta.”

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa isaguna ka hadlay sida Maxamed Cali Weji uu uga falceliyay magacaabista xilkiisa cusub, iyo warar been abuur ah oo arrintaasi laga faafiyay waxaanu yidhi “Kolay dadku way la socdeen oo warbaahinta ayay ka arkayeen in wasaaradda warfaafinta lagu dhaleecaynayay Maxamed Cali Waji, maareeyihii hore ee Telefiishanka qaranka, oo dadka qaar si khaldan oo been ah u dhigayeen, iyada oo dad waaweeyn oo masuuliyiin ahi ay ka hadlayeen.”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku dasray “Dadkaa beenta faahinayay waxay lahaayeen Weji oo xanuunsanaya oo dhakhtarka jiifa ayaa la bedelay oo laga xishoon waayay, qofku waa xanuunsan karaa waanu caafimaadi karaa, sawiro dhakhtarka uu jiifo iyo wareegtadii wasiirka ayaa la isa soo barbar dhigay, Weji wuu xanuunsaday waanu caafimaad oo wuu soo shaqo tagay, been kale ayaa jirta oo la baahinayay oo la lahaa Weji waa la eryay, taasni waxba kama jiraan ee Maxamed waxaa laga bedelay waax, waxaana loo bedelay waax ka sii weyn oo ah waaxda dhaqanka oo beryihii hore wasiiro loo magacaabi jiarya”