South Africa: Xisbi Siyaasadeedka SACP oo ka Hadlay Sharciyadda Max-bannaanida Somaliland

“Soomaaliya waa dal fashilmay, halka Somaliland xasiloonideed iyo kobaca dhaqaalaheeduba dhisan yahay” Xisbiga SACP

Hargeysa (Hayaannews)- Xisbiga SACP ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay go’aaminta qadiyada madax-banaanideeda. Isla markaana ay haysato sharciyad caalami ah. Waxaana sidaa laguu sheegay warbixintiisii sanadlaha ahayd ee sanadka 2020, taas oo Isniintii dorraad la shaaciyay.

SACP oo soo xiganayey shir dabayaaqadii sanadkii 2020 uu marti geliyey xisbigoodu oo lagaga hadlayey dalabka Somaliland ee ah in ay noqoto dal madaxbannaan waxay ku sheegeen in Xeerka caalamiga ee Qaab-dhismeedka Afrika xaq u siinayo Somaliland dal ka madaxbannaan Soomaaliya oo iskii u taagan.

Xeerkaas oo si cad u qeexaya in xudduudihii Afrika ee gumaysigu ay yihiin kuwa kaliya ee la aqoonsan yahay. Isla markaana ay yihiin soohdimaha loo adeegsanayo waddamada.

Warbixintu waxa lagu yidhi “SACP ayaa dhowaan martigalisay shir looga hadlayo dalabka Somaliland ee ah inay noqoto dal madaxbanaan. Dalabkan oo salka ku haya taariikhdooda xilligii gumeysiga ee ahaa in Somaliland gooni ka ahayd Soomaaliya. Soomaaliya oo ahayd dal uu horey u gumeysan jiray Talyaanigu haddda waa dal fashilmay, halka Somaliland xasiloonideed iyo kobaca dhaqaalaheeduba dhisan yahay, isla markaana la soo waday in ka badan labaatan sano. Waxa intaa dheer in dadka reer Somaliland ay rabitaankooda ku muujiyeen aftidii sanadkii 2001 oo ay doorteen inay dib ugu noqdaan meeqaamkii madax-bannaanida, iyada oo madaxbannaanida la waafajinayo Xeerka Qaab-dhismeedka Afrika ee ka hadlaya in xuduudaha gumaysiga sidoodii loo daayo, loona adeegsan doono in ay noqdaan soohdimaha kala qaybin doona waddamada.

Warbixinta SACP waxa lagu sheegay inuu Xisbigu sii wadi doono taageerida baaqa Somaliland ee kala tagga iyo inuu ku dhiiri geliyo dadka reer Koonfur Afrika inay gacan ka geystaan ​​dhismaha iyo ganacsiga dalkaas.

Warbixinta SACP oo aad u dheerayd waxa lagaga hadlay dhibaatooyinka Caalamka, dhibaatada Xannuunka saf-marka ah ee Covid 19, dhaqaalaha Kuududsaday, dhibaatada taranka Bulshada adduunka, Cimillada adduunka, doorka Maraykanka ee adduunka, colaadaha Afrika iyo arrimo badan oo kale.

Dhibaatooyinka Qaarada Afrika waxa warbixntu ka hadashay in colaado ka taagan yihiin dalal badan oo Afrika ah sida: Swaziland, Zimbabwe, Lesotho, DRC, Cameroon, Sudan iyo Mozambique. Sidoo kale Inqilaabkii ka dhacay Mali ayaa warbixintu sheegtay in laga werwersan yahay. Colaadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacbiga ee Tigreega ayaa iyaduna warbixintu ku sheegtay in ay saameyn iyo culeys amni ku keeni karto xasiloonida gobolka Geeska Afrika. Iska horimaadka rabshadaha wata ee ka soo cusboonaaday dhulka loo yaqaano Spanish Saxaara ayey warbixintu ku tilmaamanta mid walaaciisa leh. Taasi oo lagu sheegay in ay ka turjumayso daandaansiga iyo isla weynida Maroco oo dhowaan dib loogu soo celiyey Midowga Afrika.

Xigasho Bogga xisbiga SACP.

Qore Xasan Xuseen

#Hayaannews

 Isha Ku Hay Shabakadda Wararka Ee www.Hayaannews.net  Goor kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ee Ha moogaan.