“Waxa Somaliland U Soo Kordhay Ethiopia-na Wuu U Soo Kordhay,” Madaxweyne Mustafe-CAGJAR.

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Maxamuud Cumar (Mustafe-CAGJAR) ayaa sheegay wixii Somaliland u soo kordhay Ethiopia-na way u soo kordheen.Kadib markii uu ka qeybgalay Xaflada Furitaanka Dekedda Berbera oo maanta si rasmiya Xadhiga looga jaray.

“Waxaa Somaliland u soo kordhay waa wax noo soo kordhay hadaanu nahay maamulka Soomaalida Itoobiya waanu ku faraxsanahay inay Somaliland wax wayni u soo kordhaan”.Ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.

Madaxweyne Cagjar ayaa waxa uu sheegay koboca dhaqaalaha Somaliland uu gaadhi doono Geeska Afrika: “Waxaan diyaar u nahay inaan sidii xoojino is-dhexgalka dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka ee ka dhaxeeya deegaanka Soomaalida iyo Somaliland. Waxaanan rajaynayaa mashruuca aan halkan u joogno uu qeyb ka noqon doono koboca dhaqaalaha oo balaadhan oo aan Somaliland ku koobnaanayn oo gaadhi doona Geeska Afrika oodhan”.Ayuu yidhi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com