“Waxaanu Xaq U Leenahay In Naloo Aqoonsado Xubin Ka Tirsan Beesha Caalamka” Edna Aadan

Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Somaliland iyo Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil.

Hargeysa(Hayaannews): Ergiga gaarka ah Jamhuuriyadda Somalida u qaabilsan Somalia Wada hadalada Somalia Marwo Edna Aadan ismaaciil ayaa hadal garnaqsi ah oo ay ka jeedisay madasha shirweyne Caalami ah oo kaga qayb gashey Magaalada Barcelona ee dalka Spain ku tilmaantey  Jamhuuriyada Somaliland iney xaq u leedahay in loo aqoonsado xubin ka tirsan Beesha Caalamka.

Marwo Edna Aadan ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka  ku qortey ku iftiimisay muhiimada uu shirka Caalamiga ah ee ay kaga qaybgashey dalka Spain u leeyahay qadiyada gooni isutaaga Somaliland .iyada oo tidhi; ” Waxaan Sheeganeynaa lahaanshaha buuxs ee Magacayaga Jamhuuriyada Somaliland, Aqoonsigayaga ,luqadda, dhaqanka , hiddaha, iyo Madaxbanaanidayada”   Waxana ay intaas raacisay oo tidhi”. Waxaan  xaq u leenahay in nala maqlo, lana arko, lana Aqoonsado in aanu nahay xubin ka tirsan beesha Caalamka”.

Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Somaliland iyo Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com