“Waa Inay Somaliland, Soomaaliya Iyo Djibouti Ay Sameystaan Barwaaqo Sooran La Mida Kuwa Dawladaha….” Agaasime Axmed-CARWO

Hargeysa(Hayaannews): Agaasimaha guud ee Baanka Somaliland Ahmed Xasan Carwo ayaa u taliyey inay dawladaha Somaliland, Soomaaliya iyo Djibouti ay sameystaan barqwaaqo sooran la mid ah uwa dawladaha khaliijka GCC.

Sidaa waxa uu Agaasime Carwo ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo saaray oo ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews waxaanu u dhignaa sidan:

“Wxaan xal Somalinimo u arkaa in Somaliland, Somalia iyo Djibouti sameystaan barwaaqo sooran la mid ah kuwa dawladaha khaliijka GCC. Taas oo ah seddex dal oo xor ah kuna bohoobay iskaashi buuxa oo xuduudu u furantay dadka, badeecadaha. Iskaashi buuxa siyaasadda debedda iyo albaab furan oo dhinaca diinta, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Waxaan aaminsanay haddii dadweynaha loo gudbiyo inay dhammaan ku qanci karaa tan. Waa mid Somali u horseedaysa nabad, horumar dhaqaale iyo dhaqanba. Kolkaad ka tagto indho iska ridka siyaadiga Somalia, dadweyne waxuu u baahan yahay xalkan. waana mid si fudud loo fulin karo.”Ayuu yidhi Axmed Carwo

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dadku intaas ayey rabaan, inay ka xoogsadaan iyo inay degi karaan dalka ay doortaan. Ii kaalay aan ku cunee wax la yeeli karo ma aha. Waxa ka wanaagsan aan wadaagno walaalnimo adigoo ila siman oo ah dal xor. Dadweynaha waxa u dan ah ee surtagal ah ayaa lagu hayaa. Ma habboona in inta timaha leysuguu xidho siyaasi guracani ka dhaansado dantiisa khaaska ah. Maxaa dhammaan inoo wanaagsan oon ku heshiinaa, middaas ha la wado doono. Waxa si sahlan loo fulin kara taladan aan soo jeediyey. Alle heyna waafajiyo talada habboon.”

 

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews.