Xarunta Dhitaynta Dhaqanka Iyo Xidigiska Ee ODAY-KA-SHEEKEE Oo Soo Bandhigay Odoroska Sannadka 2023-ka.

Xarunta Dhiteynta Dhaqanka iyo Xidigiska ee ODAY-KA-

Hargeysa(Hayaannews): Xarunta Dhitaynta Dhaqanka iyo Xidigis ee ODAY-KA-SHEEKEE ayaa soo bandhigay odoroska saadaasha sannadka 2023-ka oo ay xogo baddani ku duugan yihiin.

Xarunta ODAY-KA-SHEEKE oo xarunteed guud ay tahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sannad-walba soo saarta saadaasha arrimaha xidigiska ee ku saabsan arrimaha la filayo inay sannadka dunidda ka dhacaan, gaar ahaan geyiga Soomaalida.

Xarunta ODAY-KA-SHEEKEE ayaa ahayd xaruntii ugu horeysay ee daah-furta kal-tirsi qoroxeedka Soomaalida, taas oo ay ku soo bandhigtay sannadkii 2015-kii Magaalada Hargeysa, iyada oo ay ka soo qeybgaleen Ergooyin ka kala socday Soomaaliya, Jabuuti, Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland

Barnaamijkii Saadaasha Xidigiska Ee Sannadka 2023 Oo Xogo Badan Xambaarsan

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Xarunta Dhiteynta Dhaqanka iyo Xidigiska ee ODAY-KA-